Faah-faahin:-Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya, AMISOM iyo Al-shabaab in uu ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, iyadoo dagaalkaan uu daba socdo dagaal xalay Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka NO.50.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa la sheegay in si wadajir ah ay u qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM kadib markii Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka NO.50 isla gobolkaas.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa xaqiijiyay in dagaalka markii hore ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab islamarkaana ay iska caabiyeen saacado kadibna ay weerar ruwaal celis ahaa ay ku qaadeen shabaabkii ku sugnaa Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha waxa ay hadalkooda ku dareen in shabaabka laga qabsaday gaadiid dagaal islamarkaana la gaarsiiyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira inkastoo aysan shabaab wax war ah aysan kasoo saarin dagaalka ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here