Xildhibaan C/qaadir Osoble Cali ayaa maanta ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya, ee ka imaanaya deegaanada dowlad Goboleedka Hir-shabeelle kaddib doorasho waqti badan qaadatay oo maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.
C/qaadir Osoble Cali ayaa la tarmayay Muxiyadiin Xasan Jurus oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed loolanka labada Mas’uul u dhaxeeyay ayaa ahaa midkii ugu weyn ee doorashada xubnaha aqalka Hoose inkastoo shalay ay dib u dhacday.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa helay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 16 cod halka hal codna uu xumaaday, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaliya.







