Ciidamadii Isku Horfadhiyay Magaalada Gaalkacyo oo La kala Qaaday (Daawo sawirro)

0

Waxaa Maanta lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ee mudooyinkii dambe isku horfadhiyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo dhawaanahaan martigalisay dagaalo qasaaro geystay.

Raisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Madaxweynayasha Maamulada Galmuudg iyo Puntland, Saraakiisha Ciidamada Labada dhinac iyo Wafuud kala duwan ayaa Maanta Gaaray Goobihii  ay isku Horfadhiyeen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo puntland Halkaasi oo horay ay uga Dhaceen Dagaalo Dhiig badan ay ku daateen oo labada Maamul dhexmaray.

Ugu Horeyntii Raisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke o goobta ka hadlay ayaa sheegay in la gaaray guushii ugu weyneed maadaama la kala qaaday Ciidamadii mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada isku horfadhiyay isagoo ugu baaqay shacabkii ka barakacay Magaalada in ay dib ugu soo laabtaan.

Dhanka kale Madaxweynayasha Maamulada Galmuudg iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin nabadeynta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

dsc08792 dsc08798 dsc08801 dsc08804 dsc08808 dsc08816 dsc08842 dsc08846 dsc08853 dsc08866 dsc08872 dsc08875 dsc08879 dsc08882 dsc08883 dsc08884

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here