C/qaadir Osoble Cali oo Kamid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya+Sawirro

0

Xildhibaan C/qaadir Osoble Cali ayaa maanta  ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya,  ee ka imaanaya deegaanada dowlad Goboleedka Hir-shabeelle kaddib doorasho waqti badan qaadatay oo maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.

C/qaadir Osoble Cali ayaa la tarmayay Muxiyadiin Xasan Jurus  oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed loolanka labada Mas’uul u dhaxeeyay ayaa ahaa midkii ugu weyn ee doorashada xubnaha aqalka Hoose inkastoo shalay  ay dib u dhacday.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa helay  34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 16 cod halka hal codna uu xumaaday, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

dorasho-jowhar-1 dorasho-jowhar-2 dorasho-jowhar-3 dorasho-jowhar-5-1 dorasho-jowhar-7 dorasho-jowhar-9

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here