Waxaa Maanta lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ee mudooyinkii dambe isku horfadhiyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo dhawaanahaan martigalisay dagaalo qasaaro geystay.
Raisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Madaxweynayasha Maamulada Galmuudg iyo Puntland, Saraakiisha Ciidamada Labada dhinac iyo Wafuud kala duwan ayaa Maanta Gaaray Goobihii ay isku Horfadhiyeen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo puntland Halkaasi oo horay ay uga Dhaceen Dagaalo Dhiig badan ay ku daateen oo labada Maamul dhexmaray.
Ugu Horeyntii Raisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke o goobta ka hadlay ayaa sheegay in la gaaray guushii ugu weyneed maadaama la kala qaaday Ciidamadii mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada isku horfadhiyay isagoo ugu baaqay shacabkii ka barakacay Magaalada in ay dib ugu soo laabtaan.
Dhanka kale Madaxweynayasha Maamulada Galmuudg iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin nabadeynta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

















