Dhageyso:- Galmudug iyo Puntland Oo Diidan Kala Qaadida Ciidamada isku hor-fadhiya Gaalkacyo

0

Gelinki danbe ee shaley  waxaa Magaalada Gaalkacyo dagaal kooban uu ku dhex maray ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo la hadlay idaacadda simba ayaa waxa uu ku eedeyay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay si cad ugu caga jiidayaan in nabad ay ka islaaxdo Gaalkacyo islamarkaana la kala qaado ciidanka isku hor fadhiyo weli Magaalada.

Nabadoonka ayaa sheegay in dadki Magaalada ka barakacay qaarkood ay soo laabteen kadib marki ay ka wa heleen in heshiis la gaaray balse waxa uu tilmaamay in dadki soo laabtay ay Magaalada kala kulmeen ciidanka oo weli is hor fadhiyo arintaana ay qal qal ku beertay dadka rajada soo laabashada ay gashay.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore labada maamul ku sifeeeyay kuwo ka gaabinayo in la so oaf jaro colaada Gaalkacyo waxa uuna carabaabay in uusan haatan jirin heshiis rasmi ah oo ka dhaqan galay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka mudug.

Hadalka nabadoonka ayaa imaanyo xili dhawaan Magaalada gaalacyo ay heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here