Xili maalmihii la soo dhaafay dagaalo xoogan ay ka dhacayeen Degmada tiyeegloow ee gobolka bakool ayaa waxaa jiro faafaahino ka soo baxayo dagaaladaasi.
Waxaa maalmo ka hor Degmada weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka koonfurgalbeed iyo kuwa dowlada Soomaaliya waxana ciidamada ay iska cabin xooggan kala kulmeen ciidamo ka tirsan kuwa al shabaab oo gacanta ku hayo Degmada tiyeegloow.
Ciidamada huwanta oo ka anba baxay marki hore Degmada xudur ayaa waxa uu ahaa qorshaha in ay gacanta ku dhigaan Degmada tiyeegloow balse waxaa duleedka Degmada ay kala kulmeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo taabacsan al shabaab waxana dagaalka oo maalmo ka socday duleedka Degmada uu sababay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Al shabaab ayaa adeegsaday xeelad ay doonayeen sida ay ugu sii sugnaan lahaayeen Degmada waxana jiray gadiid ay ku soo xireen waxyaabaha qarxa oo ay dhow jeer la beegsadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Maamulka koonfurgalbeed ee weerarka ku qaaday tiyeegloow.
Ciidamada huwanta ee doonayay in ay qabsadaan Degmada ayaa waxa ay weerarka degamda ugu qaadeen labo dhinac oo ah labada wado ee degamda tiyeegloow laga galo balse uma aysan suura gelin ciidanka in ay qabsadaan Degmada.
Saraakiil ka tirsan ciidamada koonfurgalbeed oo la hadlay idaacadda simba ayaa u xaqiijiyay in ciidamada dowlada iyo kuwa koonfurgalbeed ayaa ugu danbeyn dib ugu soo laabteen deegaanadi marki hore ay ka duulaan tageen.

