Dhageyso:- Maamulka Degmada Caabudwaaq “Awood Uma Lihin Joojinta Dagaalada Ka Dhaca Degmadaasi”

0

Maamulka Degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud  ayaa sheegay in aysan awood u laheyn joojinta dagaal beeleedyada ku soo lab laabtay degmadaasi.

Madaxa arrimaha bulsahda degamda caabudwaaq Muuse inji oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dhibaato adag ku tahay xalinta dagaalada ku soo noq noqdo had iyo jeer degmadaasi.

Muusa inji ayaa waxa uu tilmaamay in ciidan ku filan xaqiijinta amniga Degmada uusan jirin islamarkaana Maamulka uusan hakin Karin dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil iyo dagaalada tooska ah ee degmadaasi ka dhaca.

Madaxa  arrimaha bulshada ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in haatan ay soconayaan dadaalo nabadeed oolagu xalinayo dagaalki shaley ka dahcay degmadaasi ee sababay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa saakay degen xaalada degmada xili shaley dagaalo xoogan ay ku dhexmareen maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here