Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaliya ay dib u eegis ay ku sameyn doonto hadiii federaalka uu dalka kusoo kordhiyay dagaal Sokeeye.
“Waxaa yaab ah in markii hore Federaal System-ka aan is laheen dalka wuu ku dagayaa laakin hadii federaal-ka uu keenayo dagaal sokeeye dowladda Soomaliya waxaa ka go’an in dib u eegis ay ku sameyso arinta federaalka system-ka, runtii maamulada Puntland iyo Galmudug iyagana waxaa loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug”, ayuu yiri Raisulwasaara Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid.
Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sidoo kale Madaxda puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay adkeeyaan heshiiska lagu gaaray dalka imaaraadka Carabta kaasi oo dhigayay In xabad dambe aan laga maqlin Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

