Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya oo La Wareegay Deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda oo is kaashanaya ay deegaankaas  kala wareegeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo mudooyinkii dambe halkaas ku sugnaa.

Wariyaha idaacadda ee Gobolka Bay iyo Bakool Feysal dhaayow Xuseen ayaa kusoo waramaya in Ciidamo booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo taageero ka helaya kuwa dowladda Soomaliya oo kasoo ruqaansaday degmada Xudur ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool.

Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaliya oo hogaaminaya Howlgalkaan ayaa sheegay In Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda Soomaliya ay diyaar u yihiin in Xarakada Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Dhawaan Al-shabaab waxa ay la wareegeen degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool balse todobaadkii aynu soo dhaafnay ay dib kaga baxeen kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu ku hanjabay in uu dib ula wareegi doono deegaanada ay kasoo baxeyn Ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here