
Midowga Afrika ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo baxay Midawga Yurub kaas oo ahaa in ciidamada dawlada Burundi ee ku sugan gudaha Somalia ay si toos ah usiin doonaan gunooyinka ay qaataan intii ay usii marin lahaayeen dawladooda si looga hortago lacagtaas inay leexsato dawlada Burundi.
Kadib kulan maalintii Jimcihii gudiga xiriirrinta hawlaha militariga u qaabilsan Midawga Africa ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ethopia, ayaa waxaa ay si xoogan u cambaareeyeen go’aanka kasoo baxay Midawga Yurub ee ah qaabka lacagta loo siinayo Ciidamda Burindi ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee Somalia.
Waxaana ay qabkaas ku tilmaameen mid lagu kala saarayo ciidamada Midawga Africa ee Somalia ku sugan taas oo ah mid aan haboonayn
Ugu dambayntii Midawga Africa ayaa ugu baaqay Midawga Yurub inuu ka laabto go’aankaas oo ah mid cawaaqib xumo u horseedikara hawgalka AMISOM ee Somalia ka socda.
Ciidamada Burundi ayaa waxaa ay ka midyihiin ciidamada ugu badan ee kasocda Midawga Africa ee Somalia ku sugan,waxaana wadankaas ka taagnaa xasiloonidaro kadib markii madaxweynaha wadankaas uu mar seddexaad kusoo laabtay xilka taas oo qalalaaso siyaasadeed ka dhalisay dalkaas.
