Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug isagoona saacadaha soo socda halkaas kula kulmi doona dhigiisa Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo isaga ku wajahan Magaaladaas.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ay qaadanayaan diirada ku saaraya Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo mudooyinkii dambe ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Madaxweyne Gaas oo warbaahinta la hadlay Markuu Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wada-hadal-ka nabadeed ee lagu xalinaayo Colaada Magaalada Gaalkacyo iyo kulanka uu la qaadanayo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo isna ku wajahan Magaalada Gaalkacyo.
Ergayga gaarka ah ee Xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimha Soomaliya Denjire Michael Keating oo dhawaan socdaal ku gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku afgarteen in xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
gaas

