Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Walaaca ay Qabaan Soomalida ku Nool Dalka Mareykanka+Dhageyso

0

Dowladda Soomaliya  ayaa sheegtay in aysan ka walwalsaneen isbadal ku yimaada xiririka Soomaaliya iyo Maraykanka kadib doorashadii Madaxweynaha La-doortay  ee Donald Trump oo intii  uu waday olalihiisa musharaxnimo dhowr jeer oo hore weeraro afka ah ku qaaday Soomalida ku nool gudaha dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumaadda Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa waraysi uu siiyey idaacadda VOA-da  ku sheegay inaysan dadka Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka  aysan cabsi gelin marka la eego doorashada Donald Trump oo horey weerarro afka ah u gaystay mujtamaca Soomaaliya.

“Dowladda Soomaliya waxa ay soo dhaweynaysaa doorashada ka dhacday dalka Mareykanka ee lagu doortay Donald Trump, waxaa cod dhiibtay 20-million oo qof, anaga waan la shaqeynaynaa dowladda Mareykanka danaha ka dhaxeeya labada dal ayaa ka muhiim danaha shaqsiyadeed, runtii waa in maskaxda lagu hayaa waxyaabihii uu horey u sheegay intii ay socdeen olilihiisa doorashada mareykanka, Soomali kaliyah kuma noola mareykanka dadyow badan ayaa ku nool, asaga ayaa laga rabaa in uu si wanaagsna ula dhaqmo dadka Mareykanka, dadka Afrikaan ah, dadka Spanish-ka ah, iyo dadka Muslimiinta ah, mareykanka waa mid kamid ah dalalka ugu awooda badan dunida cidna kuma xad gudbi karto cid kale, Soomalida mareykanka ha is dajiyaan”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumaadda Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar.

Kadib doorashadii ka dhacday Mareykanka Soomali badan ayaa sheegtay in aysan ku noolaan doonin mareykanka madaama xilka uu ku guuleystay Donald Trump uu lagu sheegay in uu yahay qof islaaamka aad u neceb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here