Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guulleed oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa gaaray Maanta  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaasoo Barqanimadii maanta uu sidoo kale gaaray Madaxweynaha  Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in labada Madaxweyne ayaa haatan  ku kala sugan yihiin  labada dhinac ee ay ka kala taliyeen maamuladooda, waxaana ay kulamo la leeyihiin Mas’uuliyiinta labada maamul kuwaasi oo loogu hadlaayo joojinta Colaada Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo safar dhinaca dhulka ah uga yimid Magaalada  Garowe  ee Caasimada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in in arrimaha ugu muuhimsan ee Magaalada Gaalkacyo u yimaadeen ay tahay xalinta xiisada ka taagan magaalada oo todobaadyadii la soo dhaafay ku dagaalamayeen Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland  iyo Galmudug oo isku hayo gacan ku heynta Magaaladaas.

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali  gaas ayaa Sidoo kale  sheegay in magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku soo wajahan yihiin Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada, Raisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Denjire Micheal Keating.

Maalinta berry oo Sabti ah  ayaa lagu wadaa in kulan fool ka fool ah ay wada qaateen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulankaas ay goob joog ka noqonayaan wafdi ka socda Beesha Caalamka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada qaar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here