Waxaa weli magaalada Baydhabo ka socoto xulista xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya iyadoona maanta maalinki sadexaad ay socoto doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalk soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti ayaa maanta waxa uu tartan adag la galay siyaasiga Maxamuud macalin yaxye oo horey u soo noqday wasiiro dowle.
Maxamuud macalin yaxye ayaa maanta si rasmi ah ugu guuleystay kursiga baarlamaanka soomaaliya ee uu u tartameyay.
Wasiirka Maaliyadda Xukumada soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la yimid codod gaaraya 25-cod iyadoona Maxamud macalin yaxye uu helay isagana codod gaaraya 26-cod.
Wasiirka Maaliyada soomaaliya ayaa mudooyinki ugu danbeeyay dadaal adag ugu jiray sida uu kaga mid noqon lahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaankas Soomaaliya,waxana dadka badi ay saadaalinayeen in uu ku soo baxayo kursiga baarlamaanka ay ka heshay beesha Beesha Disow oo ah beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Maaliyadda Xukumada soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti .

