Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magaalada Cadaado

0

Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa ku waramayo in magaaladaasi uu ku wajahan yahay madaxweynaha dowlada soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Magaalada waxaa maanta tegaya wafdi uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya   Gen. Cabdulaahi Gaafow isagoona horhdac u ah wafdiga madaxweynaha soomaaliya.

Warar hoose oo ay heshay idaacadda Simba ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu magaalada cadaado gaarayo maalinki beri ah balse maanta magaalada uu tegayo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida  Gen. Cabdulaahi Gaafow.

Lama ogo sababaha dhabta ee madaxweynaha uu u tegayo magaalada balse waxaa jiro warar sheegayo in madaxweynaha uu doonyo in qeyb uu ka noqdo madaxda xalka u raadineyso magaalada galkacyo oo dagaalo xoogan maalmihi la soo dhaafay ay ka dhacayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here