Wasiir Fargeeti oo ku Guuldareystay Kamid noqoshada Xildhibaanada Cusub

0

Waxaa weli magaalada Baydhabo ka socoto xulista xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya iyadoona  maanta maalinki sadexaad ay socoto doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalk soomaaliya  Mudane Maxamed Aadan Fargeeti  ayaa maanta waxa uu tartan adag la galay siyaasiga Maxamuud macalin yaxye oo horey u soo noqday wasiiro dowle.

Maxamuud macalin yaxye ayaa  maanta si rasmi ah ugu guuleystay kursiga baarlamaanka soomaaliya ee uu u tartameyay.

Wasiirka Maaliyadda Xukumada soomaaliya  Maxamed Aadan Fargeeti  ayaa la yimid codod gaaraya  25-cod iyadoona Maxamud  macalin yaxye uu helay isagana codod gaaraya 26-cod.

Wasiirka  Maaliyada soomaaliya ayaa mudooyinki ugu danbeeyay  dadaal adag ugu jiray sida uu kaga mid noqon lahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaankas Soomaaliya,waxana dadka badi ay saadaalinayeen in uu ku soo baxayo kursiga baarlamaanka ay ka heshay beesha  Beesha Disow  oo ah beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Maaliyadda Xukumada soomaaliya  Maxamed Aadan Fargeeti  .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here