Askartii ku Dhaawacantay Weerarkii Maraykanku uu ku Qaaday Ciidamada Galmudug oo Muqdisho La Soo Gaarsiiyey+Sawirro

0

Diyaarad Siday 6-Askari uu ku Dhaawacantay Weerarkii Dowlada Mareykanka 28-September ay ku qaaday Saldhig Ciidamada Daariishta Maamul Gobaleedka Galmudug ay ku la haayeen deegaanka Jeexdin ee Bariga Magaalada Gaalkacyo ayaa Galabtay ka soo Cagadhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinka ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Xildhibaano iyo Saraakiil ka Socotay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Garoonka Diyaaradaha Oshako ee Magaalada  Gaalkacyo kasoo sagootiyey Diyaarada Siday Dhaawaca Askarta kuwaasi oo Sheegay inay aad uga Xun yihiin Dhibaatada Soo gaartay Ciidamada Galmudug.

13-Askari oo isku jiray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Daraashwiishta Dowlada Gobaleedka Galmudug ayaa ku Dhintay Weerar Diyaaradaha Dowlada Maraykanka ay ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaalay Deegaanka Jeexdin Dhaca Bariga Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 19 20

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here