Waxaa Maanta oo Jimco ah Tariikhdana ay ku beegan tahay 30-September dib loo dhigay Maxkamadeynta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya kuwaas oo loo haysto falal burcadbadeednimo.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay Maxkamadeynta Dhalinyarada Soomaliyeed islamarkaana maxkamadeyntooda laga dhigay 13-Bisha October ee sanadkaan 2016-ka.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Ebyan Ladane ayaa sheegtay in garyaqaanka u doodaya maxaabiistan xidhan iyo saraakiil ka socota safaaradu inay tageen maxkamadda si ay dhegaysiga uga qayb galaan, hase ahaatee loo sheegay in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda ka dib markii ay xilligii loogu talo galay ku dhammaan waayeen laba dacwadood oo ka horreeyey kan dhalinyarada, taasina ay keentay in dib loogu riixo bisha October 13-keeda.
Ragaan Somalida ah ee lagu eedeyay burcad badeednimada ayaa waxaa ay gaarayaan illaa iyo 119 nin kuwaas oo 50 ka mid ah lagu riday xukun dil ah,waxaana lagu soo qab qabtay 4 hawlgal oo ay sameeyeen Ciidamada illaalada Xeebaha Hindia sanadihii 2011-2012,waxaana la sheegay in ay qirteen dambiyada loo haysto.

