Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rajaynayso in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka in ay u dhacdo qaab hufan oo la aaminikaro inkastoo waqtigiisa loogu talagay mar kale dib kaga dhacday.
Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee arrimaha Soomaliya Denjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay ka wal walsantahay dib u dhacyada isdaba jooga ah ee ku yimid doorashada Somaliya .
Michael Keating ayaa tilmaamay in dib u dhacaan cusub ee doorashada ku timid ay Qaramada Midoobay ay aad uga cabsi qabto in siyaasad ahaan looga faaiiedeysto waxaana uu sheegay in arrintaan uu u gubiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Maalintii Isniintii Todobaadkaan ayay ahayd markii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee sanadkaan 2016-ka ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada illaa iyo bisha November ee soo socota waxaana ay arrintaas ku sababeeyeen ammaan daro iyo dhibaatooyin dhinaca maamulka oo wali jira.

