Maamulka Magaalada Marko ayaa Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir nuur Caraale ku eedeeyey in Colaad Hor leh uu hada ka Hurinaya Magaalada Marko iyo Deegaano ku Xeeran.
Guudoomiya Magaalada Marko ee Xaruunta Gobalka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Wasiirka Dib u Heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir nuur Caraale uu Mas’uul ka yahay Dhibaatooyinka iyo Colaada u Dhexaysa Beelaha Dega Gobalka Shabeelaha Hoose islamarkaan Lacag faro badan uu ku Bixinayo Abaabulka Dagaal ka soo Cusboonaada Magaalada Marko.
Gudoomiyaha Magaalada Marko oo sii hadlayay ayaa Been abuur ku Tilmaamay hadal ka soo Yeeray Wasiir Caraale kaas oo ahaa in uu shir Dib u heshiisiineed uu u qabtay Beelo Mudooyinkii danbe ku Dagaalamayey Magaalada Marko waxa uuna Cadeeyey in haba yaraatee ay aysan Jirin wax Shir ah oo loo qabtay Beelaha Magaaladaas.
Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Wasiirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed uu Hay’addo Caalami ah lacago uu ka qaatay islamarkaana ay lacagahaas ay Qeyb ka yihiin Abaabulka Dagaal iyo Iska Horkeenka Bulshada ee uu ka Wado Gobalka Shabeelaha Hoose.
Dhan kale Xafiiska Warqabadka Idacada Simba ayaa Xiriir la Sameyey si uu Wax uga Weydiiyo Eedeha loo soo jeediyey Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir nuur Caraale Hayeeshee waxa uu ku Jawaabay Erayo Handadaad iyo Aflagaado ah oo aan u qalmin in la baahiyo Anshaxa Wanaagsan ee Saxaafada Awgii.

