Kulan ay Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayay isla garteen halka rasmi ahaan lagu dooran doono Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe u matalaya Baarlamka Cusub ee dalka uu yeelan doono.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Odayaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay isla garteen in Magaalada Muqdisho lagu doorto Xildhibaanada cusub ee Dowladda dhexe ku biiraya, kuwaasi oo ka imaanaya Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Sababta ayuu ku sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey in ay tahay in jowhar ay xiligaan marti galinayso shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.
“Si aan si fiican xog ogaal ugu noqono arintaasi iyada ah aragtiyo kala duwan ayaa ka jiray, oo qaar ay qabeen Ugaasyada ka mid ah in Hiiraan lagu qabto, qaarna Shabellaha Dhexe si loo helo talo mideysan, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan wadatashi la yeelaano Isimida iyo duubabka ka soo jeedo, waxa ay intooda badan isku raaceen Odayaasha oo ay soo jeediyeen inta Maamulka laga dhisaayo Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan xildhibaanada u matalaya Baarlamanka dalka In lagu doorto Magaalada Muqdisho”. ” Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.
Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey ayaa ugu baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif in uu yimaado Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya si uu ugu qeyb galo doorashada Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe u matalaya baarlamanka dalka.

