Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Arimaha dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa oo Waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sharci daro ku Tilmaamay Xukun Dowlada Hindiya ay ku Riday 50-Dhalinyaro Soomaali ah oo Sida la Sheegay ay Ciidamada Badda ee Wadanka Hindiya ay ka qafaasheen Xeebaha Soomaaliya,
Mudane Prof-Dalxa ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Xukunka Dilka ah ee Dowlada Hindiya ay ku riday Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay ku eedeysay Fal Danbeedyo la Xiriira Burcad-Badeednimo.
Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa ayaa Sheegay in Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Heleen Cadeymo Muujinaya in Dowlada Hindiya Dhalinyaradaan oo ah Kaluumaysato ay ka Afduubatay Biyaha Soomaaliya oo Ciidamadeedo ay si Sharci Daro ah ay ku soo galeen.
Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Prof-Maxamed oo Sii hadlayey ayaa Sheegay in hadii Dowlada Hindiya ay ka dhaga adeegto baaqa Dowlada Soomaaliya ee ah inay kala laabato Xukunka ay ku Riday Muwaaditiinta Soomaaliyeed kuwaas markii hore Si Sharci Daro ah looga Qafaashay Xeebaha Wadankooda in Meesha ka Bixi doono Xiriirka Diblamaasiyadeed ee ka Dhexeeya labada Dal.
Ugu Danbeyntii Prof-Dalxa ayaa Xusay in Dowlada Soomaaliya ay Xaq uleedahay inay Maxkamada Danbiyada Caalamiga ah u Gudbiso Dacwad ka dhan ah Dowlada Hindiya taasi oo ku aadan Xadgudubka Maraakiibteedu ay ku Sameeyaan Biyaha Soomaaliya oo ay ku Shubaan Sunta Kiimikiga iyo Haraaga qashinka Warshadaha Dalkaasi.

