Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) ayaa maanta si rasmi u shaaciyay in la ansixiyay qoondada Haweenka maamulka Puntland ay ku yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.
Guddoomiyaha Guddiga, nabadoon khaliif Aw-cali, Saynab Ugaas Yaasiin iyo Faadumo Cabdi warsame oo xubno ka ah guddiga oo shirka jaraa’id ku qabtay xarunta PDRC ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegay in beelihii diida qoondada kursiga haweenka in la laali doono , go’aana ay ka qaadan doonaan xubintaas, guddiga iyo dowlad goboleedka ay doorashadu ka dhacayso.
Sidoo kale Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) waxay sheegeen in beeshii gollaha shacabka ku leh saddex kursi(3) waa in midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ay ku tartamaan, waxay kaloo sheegeen in beeshii 12 kursi ku leh aqalka hoose laga doonayo 4 gabdhood.
Guddigu waxay kaloo shirka jaraa’id kusoo hadal qaadeen qoondada haweenka ee Aqalka Sare, waxay ugu baaqeen dowlad goboleed kasta inay xaqiijiyaan qoondada 30% ee kuraasta ay si xor ah ugu tartamaan Gabdhaha kaliya.
Ugu dambeyntii , Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) waxay soo jeediyeen si looga fogaado laalista kuraasta iyo caqabad ku timaada waqtiga doorashooyinka in beelkasti ay soo bandhigto kuraasta gaarka ah ee haweenka loo asteeyay.

