Guddiga Higalinta Doorashooyinka Dadban Heer Puntland  oo Ansixiyay Qoondada Haweenka Puntland

0

Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) ayaa  maanta si rasmi u shaaciyay  in la ansixiyay qoondada Haweenka maamulka  Puntland ay ku yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

Guddoomiyaha  Guddiga, nabadoon khaliif Aw-cali, Saynab Ugaas Yaasiin iyo Faadumo Cabdi warsame oo xubno ka ah guddiga  oo shirka jaraa’id ku qabtay xarunta PDRC ee Magaalada  Garowe ee caasimada Puntland  ayaa  sheegay  in beelihii diida  qoondada kursiga haweenka in la laali doono , go’aana ay ka qaadan doonaan xubintaas, guddiga iyo dowlad goboleedka ay doorashadu ka dhacayso.

Sidoo kale Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD)   waxay sheegeen in beeshii gollaha shacabka ku leh saddex kursi(3) waa in midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ay ku tartamaan, waxay kaloo sheegeen in beeshii 12 kursi ku leh aqalka hoose laga doonayo 4  gabdhood.

Guddigu waxay kaloo shirka jaraa’id kusoo hadal qaadeen qoondada haweenka ee Aqalka Sare, waxay ugu baaqeen dowlad goboleed kasta inay xaqiijiyaan qoondada 30%  ee kuraasta ay si xor ah ugu tartamaan Gabdhaha kaliya.

Ugu dambeyntii , Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD)  waxay soo jeediyeen si looga fogaado laalista kuraasta iyo caqabad ku timaada waqtiga doorashooyinka in beelkasti ay soo bandhigto kuraasta gaarka ah ee haweenka loo asteeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here