Wararka naga soo gaaraya isgoyska Jubba ayaa ku waramaya in gaari nooca maarkeet-ka loo yaqaano in uu ku qarxay isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.
Gaari qarxa ayaa la sheegay in lagu shubaayay shidaal.
Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa dhintay 7-kalana way dhaawacmeen dhamaanba waxa ay ahaayeen shacab sida idaacada simba ay u sheegtay mid kamid ah dadkii ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan, cidii qaraxa ku soo xirtay gaarigaasi.





