Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo La Kulmay Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub(Daawo Sawirro)

0

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed  Jen. maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub isagoo kala hadlay sidii loosii kordhin lahaa  taageerada Midowga Yurub  ay siiyaan Ciidamada Booliska Somaliyeed.

Saraakiisha Midowga Yurub ka socotay waxaa horkacaayay Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan howlgalka dhisidda awoodda ciidamada Badaha ee Gobolka Geeska qaarada Afrika, Eucap Nestor Ms Maria Cristina-Stepanescu.

EUCAP Nestor oo ka shaqeysa in la xoojiyo kartida Ciidamada Somaliya si wax ku ool ah ay u maamulaan biyaha badda taasi oo ka caawinaysa inay burcad badeeda ula dagaalamaan si wax ku ool ah oo dheeraad ah, qorshaha waxaa ku jira la talin iyo tababar ilaalada xeebaha, nidaamka cadaaladda dambiyada badda iyo Booliska xeebaha.

Kulanka kadib Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan howlgalka dhisidda awoodda ciidamada Badaha ee Gobolka Geeska qaarada Afrika iyo saraakiishii la socotay  ayaa kormeer ku tagay xarumaha Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaliyeed  ee Jeneral Kaahiye.

1474274114ef82e 1474274124dc3f3 1474274128c39b0 1474274131c82f8 14742741033aa92 14742741123bcee 14742741166cc5d 147427410633ffa 147427412149fe4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here