Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Ethoipia iyo kuwa Al-shabaab in uu ka dhacay Gobolkaas.
Dagaalka ayaa xoogiiisa dhacay maanta barqadii waxayna Labada Ciidan ay ku dagaalameen wadada xiriirisa degmooyinka Wabxo iyo Ceelbuur oo kawada tirsan Gobolka Galguduud ee Bartamaha Dhulka Soomaliya
Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo Howlgal kawaday duleedka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya oo shalay gelinkii hore ka ambabaxay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan saakay weerar gaadmo ahaa lagu qaaday islamarkaana la gaarsiiyay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

