Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Jen. maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub isagoo kala hadlay sidii loosii kordhin lahaa taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada Booliska Somaliyeed.
Saraakiisha Midowga Yurub ka socotay waxaa horkacaayay Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan howlgalka dhisidda awoodda ciidamada Badaha ee Gobolka Geeska qaarada Afrika, Eucap Nestor Ms Maria Cristina-Stepanescu.
EUCAP Nestor oo ka shaqeysa in la xoojiyo kartida Ciidamada Somaliya si wax ku ool ah ay u maamulaan biyaha badda taasi oo ka caawinaysa inay burcad badeeda ula dagaalamaan si wax ku ool ah oo dheeraad ah, qorshaha waxaa ku jira la talin iyo tababar ilaalada xeebaha, nidaamka cadaaladda dambiyada badda iyo Booliska xeebaha.
Kulanka kadib Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan howlgalka dhisidda awoodda ciidamada Badaha ee Gobolka Geeska qaarada Afrika iyo saraakiishii la socotay ayaa kormeer ku tagay xarumaha Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaliyeed ee Jeneral Kaahiye.










