Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in uu iska casilayo xilka Wasiirnimo islamarkaana uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.
“ Waa dacaayad la faafiyay, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda xilkaas, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, sidaa waxaa SONNA u sheegay Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed.
Dhawaan warar lagu kalsoonan karo oo la helay ayaa muujinayay in wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed uu iska casili rabo xilka wasiirnimo isagoo noqon doona musharaxa Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

