Dhageyso:-Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasada oo kasoo Horjeystay Amar Kasoo Baxay Maamulka Gobalka Banaadir

0

Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasada ee Soomaaliya ayaa ka soo Horjeestay Go’aankii Maamulka Gobalka Banaadir uu ku Mamnuucay  in Magaalada Muqdisho lagu qabto wax Banaan bax ah oo uusan Ogeyn Maamulka.

Gudoomiyaha Isbahaysiga Xisbiyada Dalka Cali Maxamed Nuur (Tima Jilic) oo la hadlayey Idaacada Simba ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Tilaabada Maamulka Gobalka Banaadir uu ku Diiday in Shacabka Soomaaliyeed uu Sameeyo Dibad Baxyo ku Muujinayo Dareenkiisa ku aadan  Maxkamadayta Muranka Badda Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ka Dhexeeya ee ka socota Magaalada Hague ee Wadanka Holland iyo in Bulshada Soomaaliyeed ay sameeyaan Banaan Baxyo ay ku taageerayaan Ruuxii ay u arkaan in uu u qalmo in loo Doorto Hogaaminta Dalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Sheegay Maamulka Gobalka Banaadir ku Eedeeyey inay Cuburin ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed  ee Ku dhaqan Magaalada Muqdisho islamarkaan ay wadaan qorshe ay uga Hor joogsanayaan inay Dabada Soo Dhigaan Rabitaan kooda ku aadan Mar Xalada kala Guurka Siyaasadeed ah ee uu dalku hada ku jiro taas oo Nasiib daro fool Xun uu ku tilmaamay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here