Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu dilay Jeberaal Maxamed Roble Goobaale, Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed uusan saameyn ku yeelan doonin dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
“Dilkii loo geystay Jeneraal Goobaale runtii wax saameyn ah dowlada Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro Shabaab kuma yeelan doono, waxaan aad kaga xunahay in saraakiil qaali ah ay ka baxeen dowladda , balse waxaa soo baxaya saraakiil leh tayo wanaagsan oo sii wadi doona dagaalka lagula jiro Al-shabaab” ayuu yiri Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliy Fiqi.
Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay haatan wiiqantahay awoodii baalaarneed oo ay lahaayeen islamarkaana ay kusoo biya shubteen in ay geysteen weeraro gaadmo ah.
Afhayeenka Dhanka Howlgalada Al-shabaab, C/casiis Abuu Muscab, oo la Hadlay warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa ka hadlay sababaha ay u fuliyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) iyo qaar kamid ahaa ilaaladiisa.

