Ku Dhowaad 30-ruux oo ku Dhaawacantay Qaraxyo ka Dhacay Magaalada New York ee dalka Maraykanka+Sawirro

0

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay xaafada Chelsea ee magaalada  New York  ee dalka Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha magaladaas.

Qaraxyadaan oo ahaa labo qarax ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen 29 ruux oo la tilmaamay in hal qof oo ka mid ah xaaladiisu ay aad u liidato inkastoo qarxa labaad aan la sheegin wax qasaaro ah oo uu geystay.

Lama sheegin illaa iyo hadda waxyaabaha rasmiga ah ee sababay qaraxaas balse duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka Bill de Blasio ayaa ku tilmaamay qaraxyadaas in ay ahaayeen kuwo ulakac ah waxaana uu intaas ku daray in aan la ogeyn in ay xiriir la leeyihiin fal Argagixiso.

Qaraxyadaan ayaa waxaa ay dheceen saAcada gudaha ee dalka maraykanka markii ay ku beegneed 21:00,waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in uu ahaa qaraxa ay dadku ku dhaawacmeen mid aad u xoogan.

388213a000000578-3794824-at_least_three_people_were_seen_being_taken_away_from_the_appare-a-30_1474162519994 388248f900000578-3794824-image-a-82_1474168106730 388358a200000578-3794824-image-a-92_1474171011399 388367ad00000578-3794824-image-a-107_1474172594640 388368f400000578-3794824-image-a-104_1474172519475 388371c300000578-3794824-image-a-86_1474170736799 3882238d00000578-3794824-image-a-33_1474162850689 3882342f00000578-3794824-image-a-57_1474166286511 3882574f00000578-3794824-image-a-73_1474167685908 3883705b00000578-3794824-image-a-88_1474170816825 3882377900000578-3794824-image-m-76_1474167735589 3882379100000578-3794824-image-a-43_1474164801834 3882470600000578-3794824-image-a-71_1474167396716 3882577700000578-3794824-image-a-49_1474166011488 3883569600000578-3794824-image-a-95_1474171017386 3883589300000578-3794824-image-a-96_1474171023073 3883731300000578-3794824-image-a-84_1474170715042

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here