Wararka saakay inaga soo gaaraya deegaanka moqokori ee gobolka hiiraan ayaa ku waramaya in saakay ay baneeyeen deegaankaasi ciidamada itoobiya oo fariisimo ku lahaa deegaanka moqokori iyo tuulooyin ku xeeraan.
Ciidamada itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka dagaal ayaa waxa ay aroornimadi hore ee maanta ay baneeyeen deegaanka moqokori oo mudo ay gacanta ku hayeen.
Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa u sheegay in ay saakay ka war heleen guuxa gadiidka gaashaaman oo ay saara yihiin ciidamada itoobiya islamarkana u jiheysan degmada maxaas ee gobolka hiiraan.
Saraakiisha ciidamada dowlada oo ay idaacada simba la xariirtay ayaa iyagana ka gaabsaday in ka warbixiyaan qorshaha ay ciidanka saakay u baneeyeen deegaanka moqokori.
Dhinaca kale al shabaab ayaa sheegtay in ay ciidamadooda ay si nabad gelyo leh kula wareegeen deegaanka moqokori inkastoo warka al shabaab uusan cadeyn.
Ciidamada itoobiya ayaa mudooyinki la soo dhaafay isaga baxayay deegaano badan oo ku yaala gobolada dalka soomaaliya.
Wixi faafaahin dib kala soco

