Xili saakay ay ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka moqokori ee gobolka hiiran ayaa waxaa soo baxayay warar ku aadana in deegaankaasi ay qabsadeen ciidamo ka tirsan kuwa al shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowlada gobolka hiiraan ayaa waxa ay si rasmi ah u beeniyeen in ciidamada al-shabaab aysan xiligaani gacanta ku heyn deegaanka moqokori.
Muumin Saney oo kamid ah saraakiisha ciidamada xooga soomaaliya ee jooga gobolka hiiraan ayaa xili uu la hadlayay idaacada simba ee magaalada muqdisho waxa uu ka hadlay marxalada hada ay wajaheyso moqokori.
Taliye Muumin ayaa beeniyay in ciidamada al shabaab ay la waregen deeganka moqokori waxa uuna taliyaha tilmaamay in haatan deegaanka ay gacanta weli ku hayaan ciidamada dowlada soomaaliya.
Sarkaal ayaa sidoo kale waxa uu ka meer meeray in uu ka hadlo ka bixitanka ciidamada itoobiya waxa uuna su’aal arinka ku aadan la weydiiyay uu jawaab kaga bixiyay in xeeladaha ciidamada ay wajahayan uusan haatan ka warami Karin.
Halkaan ka dhageyso codka Taliye Muumin

