Dhageyso:-Gudigga Doorashooyinka dadban “Waxaan ka hortageyna Musuqmaasuqa”

0

Gudigga Doorashooyinka dadban ayaa xiligaan wajahaya shaqooyin culus oo horyaala waxana hada uu gudiga wadaa dadaalo uu ugu tilaabo qaadayo howlaha sugaya.

Gudigaan oo ka kooban 22 xubnood ayaa maalmihi la soo dhaafay waxa ay kulamo oga hadlayo arimaha doorashooyinka ay ku qabanyeen meelo kamid ah soomaaliya iyo dalka dibadiisa.

Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka dadban  Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in ay wadaan diyaarinta hanaan doorasho oo dadka ay ku kalsoonaan karaan.

Sidoo kale Cumar Maxamed Cabdulle ayaa tilmaamay in ay u shaqeenayaan sida garsoorayaal waxa uuna carabaabay in ay yihiin cadaalad falayaal wajahaya ka shaqeynta sida loo soo dhisi lahaa labada aqal ee dowlada soo socota.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka dadban  Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in ka hor tagayaan musuqmaasuq iman kara inta doorashooyinka dadban dalka ka dhacayaan waxana uuna yiri “waxaa goobaha ay ka dhacayan doorashooyinka joogi doona wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo sido kale dad loo asteeyay la socoshada hanaanka doorasho.

 

Halkaan ka dhageyso cododka

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here