Human Rights Watch: “Shan Kamid ah Shaqaalaheena oo Ka Howlgalayay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa La Xirey”,

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in Ciidamada hay’dda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA ay xabsiga dhigeen shan kamid ah shaqaalaheedda oo ka Howlgalayay Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Inkastoo shaqaalahaan dib ay xuriyadooda u heleen 6-dii September ee bishaan ayay Hay’adda  sheegtay in aysan wali ogeyn ilaa haatan sababaha ka dambeeyey xariga loo geystay qaar kamid ah shaqaalaheeda.

Magacyada shaqaalaha ay xireen Ciidamada Nabad Sugida Soomaliya ayaa lagu kala sheegay, Cabdiwahaab Cali Muumin, Cabdiraxmaan Cali Muumin, Shafici Cabdicasiis, Maxamed Saciid Bare iyo Cabdirixmaan Muusa, oo dhamaan ka Howlgalayay Xafiiska Hay’adda oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Mrs Laetitia Bader oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Human Rights Watch  ayaa shaacisay in ay la xiriirtay Taliska Hay’adda Nabad Sugida Soomaliya balse ay ka weysay wax jawaab ah oo ku aadan xiriga iyo eedeymaha shaqaalahooda loo heysto.

4-tii September ee bishaan aynu ku jirno warbixin ay soo saartay  Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ciidamada  Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA)  in ay Tacadiyo  kula kacaan siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo dadka difaaca Xaquuqda Aadanaha ee ku nool Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here