Wasiirkii Wasaaradda Maaliyada Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cali Saciid Cumar oo mudooyinkii dambe xilkaan hayay ayaa maanta oo arbaco ah ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.
Mudane Cali Saciid Cumar ayaa bartiisa facebook-ga ku shaaciyay in uu iska casilay xilka Wasaaradda Maaliyada Maamul Goboleedka Galmudug waana wasiirkii Labaad ee is casilay, 24-april ee bishii aynu soo dhaafnay uu is casilay wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga Mudane Maxamed Cali afrax.


