Diyaarad Sida Qaad Fara Badan oo Soo Caga Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

0

Diyaarad sida qaad fara badan oo laga keenay dalka Kenya ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa sheegay in Diyaarad weyn oo sida qaad fara badan inay ka soo degtay Garoonka, waxaana durbadiiba qaadkaasi lagu bilaabay in la dejiyo.

Qaadka ayaa marka la dejiyo waxaa loo kala qaybiyaa qaar u baxaya Gobolada dalka Soomaliya  iyo qaar gudaha Magaalada la geynayo, kuwaasi oo la isugu geeyo Beerta Jaadka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Kulan gooni ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa ​​Somaliya Mudane Hassan Shiikh Maxamuud  oo ka qayb galayey shir madaxeedkii dalalka IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo soo afjaro xayiraaddii muddada todobaadka ka badan saarnayd qaadkii Soomaaliya uga imaanayey Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here