Madaxweynayaasha dalalka Soomaliya iyo Kenya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay go’aankii dowlada Dhexe ee Soomaliya ay dhawaan ku hakisay duulimaadyadka qaadka ka keeni jirey dalka Kenya iyo dhibaatooyinka madaxda Soomalida ay kala kulmaan Safarada ay ku tagaan dalka Kenya.
Labada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay goobta uu ka socday shir madaxeedkii IGAD ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa ugu danbeeen isku raacay in xayiraada laga qaado Qaadkii ka iman jiray dalka Kenya.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla go’aamiyey in la joojiyo Dadyuuradaha rakaabka Muqdisho ka baxa oo inta aysan gaarin magaalada Nairobi lagu baari jiray magaalada Wajeer, waxaana hadda ka dib dayuuradahan ay si toos ah u tegi doonaan Nairobi, waxaana baaritaanka Wajeer dhibaato badan ku qabay rakaabka la socda dayuuradaha.
Dowlada Dhexe ee Soomaliya ayaa dhawaan hakisay Duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jirey dalka Kenya sababo lagu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Meru oo ah halka uu ka baxo qaadka kenya uu booqaday deeganada maamulka soomali-land isagoona u balan qaaday in la siiin doono nooc kamid ah aqoonsiga.

