Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaw si rasmi ah u furay Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee Magaalada Muqdisho markii ugu horeysa lagu qabtay.
Shirkaan heerka sare waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Raisuwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, wasiirka arrimaha dibada Jabuuti, safiirka Sudan ee soomaliya.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka baaqaday safarkaan kadib markii diyaaradii siday ay cilad soo wajahday dibna ay ugu laabatay Magaalada Djabuuti ee caasimada Jabuuti.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Suudaa Mudane Cumar Xasan Al-bashiir uu ka cadur daartay in uu ka qeyb galo shir madaxeedka Urur Goboleedka ee Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Arimaha Somaliya
Waxaa shirkan lagu falanqeyn doonaan arrimaha Soomaaliya sida doorashooyinka iyo amniga, waxaana sidoo kale lagu soo hadal qaadi doonaa horumada ay Soomaaliya sameysay mudadii ay jirtay dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
South Sudan (Koonfurta Sudan)
Madaxda IGAD waxay falanqeyn ku sameyn doonaan sidoo kale xasaradaha ka jira dalka Koonfurta Sudan, waana arrin si gaar ah looga hadli doono, iyadoo aanay ka marneyn dadaallada nabadeed ee ururku ku leeyahay dalkaasi.
Ishaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay IGAD
Qodobka Saddexaad ee madaxda IGAD ka hadli doonaan waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay ururkan, sidoo kalena la iska kaashado arrimaha dhaqaalaha, nabadda iyo kuwo kale oo badan.

