Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada  Muqdisho Lagu Soo Gaba-gabeyay

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay marti galisay, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Waxaaa ka qeyb galay Shirkaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta , Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda Suudaan.

Qodobada looga hadlay shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Warmurtiyeed shirka Laga soo saaray waxaa warbaahinta u aqriyay wasiirka arrimaha Dibada Kenya Marwo aamina Maxamed Jibriil.

diyar7 fur fur1

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here