Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya iyo Xildhibaano ayaa hambalyo u direy dhamaan Umadda Soomaliya iyagoo u rajeeyay sanadkaan sanadkiisa kale bash bash, barwaaqo, iyo dalka nabad noqda.
Wasiirka Wafaafinta Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseeen Odawaa iyo Xildhibaan faarax C/qaadir oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya oo salaadii ciida maanta la tukaday shacab fara badan ayaa ugu Hambalyeeyay umadda Soomaliyeed Munaasabadda Ciidul adxaa.
Dhanka kale shacabka Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya aynu cod baahiya simba la dhex qaadnay ayaa iskugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul adxaa.

