Madaxda Dalka Ugu Sareysa oo Boqolaal Dadweyna ah La Tukaday Salaadda Ciidul Adxa(DaawoSawirro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), Raisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamulada dalka, ayaa boqolaal kamid ah dadweynaha reer Muqdisho waxa ay salaadda ciidul Adxa kula dukadeen  Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa oo maalinta kow ah, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa markii amniga ka hadlayay waxaa uu mar kale ku celiyay booq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin abaabiyeen ururka Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekirkaas munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

img_5573 img_5576-1 img_5576 img_5577 img_5579 img_5588 img_5590 img_5593 img_5595 img_5598 img_5601 img_5602 img_5605 img_5608 img_5609 img_5612 img_5614

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here