Madaxweynaha:- “ Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab ayaa isa Soo Dhiiba Maalin Kasta Dagaalka Lagula jiro Si Dar Dar leh ayuu ku Socdaa.

0

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin kasta ay isa soo dhiibaan Saraakiil ka tirsan  Al Shabaab, isla-markaana uu si dardar leh ku socdo dagaalka lagula jiro shabaab-ka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan, sababo ku aadan wadooyinka Magaalada Muqdisho ee xiran, inta laga soo gaba gabeenaayo Shirka Madaxda Wadamada Igad.

“Waxaan dadka Somaliyeed ka codsaday maalin dhaweyd dulqaad in loo muujiyo arrin ku saabsan Shir Goboleedka Igad, ee Madaxda Igad isugu imanayaan Magaalada Muqdisho. Waxaan markale dadka leeyahay arrintaasi aan soo dhaweyno, dulqaad aan ka muujino.”ayuu Yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

“Cadowga Somaliya inuu kufiyo oo uu ceebeeyo doonayo yaanan gacan ku siinin, aan ka hortagno, aan ka dhicino, kana celino dalkeena.”

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab, asaguna beryahaan dambe Jamhuuriyadda daafaheeda kala duwan oo dhan dagaalo xoog leh ayaa ka socdo, geesiyada Xoogga Dalka iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed ay meelkasta kula dagaalamayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here