Dawlada Turkiga oo Markab Shixnad Gargaar Sida Usoo Dirtay Gudaha Dalka Somaliya

0

Dawlada Turkiga ayaa markab sida gargaar gaaraya 11,000 ton waxa ay usoo dirtay Somaliya,waxaana uu kasoo amba baxay dekada ku taala magaalada Koonfurt dalkaas ku taala ee Mersin.

Ismail Hakki Turunc,oo ah ku-xigeenka Laanqayrta cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in markabkaan uu sido shixnad isugu jirta bur, sokor, digir, iyo waxyaaba kale.

ku-xigeenka Laanqayrta cas ee dalka Turkiga  Ismail Hakki ayaa waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale waxaayabaha uu markabkaan sido ay ka midyiyihiin 178,000 oo xafaayad ah kuwaas oo la sheegay in ay jiraan dad badan aad ugu baahan oo soomali ah.

Waxaana uu rajeeyay in dhowaan shixnadaas gargaarka ah ay soo gaari doonto Gudaha dalka Somaliya

Ahmet Atik,oo kamid waaxda difaaca masiibooyinka iyo xaalada deg dega ah ayaa waxaa uu xusay in markabkaan uu yahay midkii 12-aad ee Somaliya ay usoo diraan .

Ahmet Atik, ayaa tilmaamay in gargaarkaan uu ka dhigayo gargaarka Turkigu uu soo diray Somalia illaa iyo 62,000 ton,waxaana uu intaas raaciyay in gargaarkaanq ayb ka mid ah loogu talagalay dalka Ethiopia ayadoo loo sii marsiindoono dalka Dijibouti.

Markabkaan oo uu ka babanayo Calanka jasiirada Marshall ayaa waxaa uu kusoo jeedaa maamulada Somaliland iyo Puntland iyo sidoo kale dalka Ethiopia,oo lagu wado in loosii marsiiyo dalaka Dijibout.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here