Muslimiinta ku Nool Kenya oo Soo Dhoweeyay Go’aan ay Maxkamad ku Taala Dalkaas Kasoo Saartay Xijaabka

0

Dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Kenya oo ah tiro aad u yar marka loo eego dadka aan muslimiinta ahayn ayaa waxaa ay aad usoo dhoweeyeen Go’aanka ay maxkamadu ku joojisay amarka ay soo rogeen iskuulada ay maamulaan Christian-ku ee dalkaas.

Horay ayaa iskuulada ay maamulaan dadka aan muslimka ahayn ee ka shaqeeya dalka Kenya waxa ay ka mamnuuceen Gabdhaha in ay xirtaan dharka asturka ah ee xijaabka loo yaqaano oo xirtaan Gabdhaha muslimka ah, waxaana ay ku mar marsiyoonayeen in uu kala duwanaanayo Unifomka Ardaydu.

Balse xaakimka maxkamada dacwada qaaday ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya waxbarashada in ay ogolaadaan kala duwaanshaha ayna joojiyaan kala soocitaanka.

Dadka ku nool dalka Kenya ayaa 11% waxa ay yihiin Muslim halka 83% ay yihiin dad aaminsan diinta Christian-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here