Hay’adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in qiyaas ahaan 70,000 oo qaxooti Somaliyeed ah oo ku nool xerada Dhadhaab ay diyaar u yihiin in ay kusoo dalkooda dhamaadka sanadkaan.
Wakiilka UNHCR ee dalka Kenya Catherine Hamon Sharpe ayaa tilmaamay in taasi ay u dhiganto qiyaas ahaan 25% qaxootiga Somalida ah ee Kenya ku dhaqan.
Sargaalkaan u hadlay Qaramada Midoobaya ayaa sheegay in ay hadda ay jiraan illaa iyo 2,000 oo ku jira xero ku meelgaar ah oo diyaar u ah in dib ugusoo laabtaan Somaliya si iskood ah, waxaana uu intaas raaciyaay wakiilka UHCR ee Kenya in illaa iyo 2014-kii ay Qaramada Midoobay ku caawisay in ay si iskood ah dib ugu soo laabtaan Somaliya illaa iyo 28,000 oo qof.

