Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo Odoyaasha Dhaqanka ka Codsaday in ay Soo Xulaan Xildhibaano Tayo Wanaagsan+Dhageyso

0

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada  Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo wareysi siiyay  idaacadda Simba ayaa ka hadlay qaabka xulista xildhibaanada baarlamanka Cusub uu dalka yeelanayo iyo shirka Urur Goboleedka IGAD ee sabtida ka dhacaya Caasimada dalka Soomaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa odoyaasha soo xulaya xildhibaanada baarlamanka cusub ee dalka uu yeelanayo ka codsaday in ay soo xulaan xildhibaan tayo wanaagsan  dantooda qaaska  ahna ka hormarinaaya mida Guud, islamarkaana Baarlamanka Soomaliya uu yahay halka dalka loogu taliyo.

Cabdi Barre Yuusuuf  ayaa tilmaamay in hadii la waayo xildhibaano tayo wanaagsna ay meesha ka baxayso isla xisaabtankii, wuxuu sidoo kale ugu baaqay odoyaasha in aan xildhibaanada cusub lagu darin Golle Wasiiro islamarkaana aarintaas laga taxadaro.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada  Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay shirka Urur Goboleedka IGAD oo maalinta sabtida ah ka dhici doona Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya isagoo sheegay in shirkaas uu ka dhigan in soomaliya ay tahay meel nabad  ah beesha caalamkana ay ku dheeran karto imaansha Muqdisho.

Odoyaasha dhaqanka Soomaliyeed ayaa haatan ku howlan xalista Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaliya ee  badali doona kan hadda waqtigiisa uu dhamaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here