Madaxweynaha kenya Uhuuru Kenyatta oo Sheegay in ay Sameeyeen Ciidamo Ka Hortaga Weerarada Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Kenyta Uhuuru Kenyatta oo wareysi gaar ah siinayey Wargeyska Mesryoom ee kasoo baxa Masar ayaa sheegay in dowladiisa ay ka feejigan tahay weeraro waqti waliba kaga imaan karo Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweyne Uhuuru ayaa shaaciyey in xukuumadda Kenya ay dajisay qorshooyin ay ku wajaheyso dhaq-dhaqaaqyada Xarakada Al-Shabaab ay ku doonayaan in ay ku weeraraan dalkiisa.

“Waa khatar ka jirta Geyska Afrika taasi oo u baahan in laga sameeyo iskaashi caalami ah sida kan hada ay wadaan Midowga Afrika oo ay ku wajahaan Al-Shabaab”, ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

“Waa hubanti in Al-Shabaab ay qabaan dhibaatooyin la mid ah tan ay u geysanayaan dadkeena waayo waxaa jiro bartilmaameedsi ay ku sameeyaan ciidamadeena sida xarumaha ay ku tababartaan iyo waliba kuwa fariisimaha ay ka dhigtaan” ayuu markale yiri Madaxweynaha kenya Uhuuru kenyatta.

Mar wax laga weydiiyey howlgalada ciidamada kenya ay ka wadaan Gudaha Soomaaliya iyo in ay sii kordheen weeraradii Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi tani iyo galitaankooda Soomaaliya ayuu ugu jawaabay.

“Xaalad waliba waxa ay leedahay qorshooyin loo dajiyo kahor inta aadan go’aansan in aynu u talaabno soomaaliya Al-Shabaab waxa ay lahaayeen xarumo waa weyn oo ay ku lahaayeen Jubooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn madaxweynaha kenya Uhuuru Kenyatta ayaa tilmaamay in todobaadkii tagay ay ciidamada kenya ay dileen 7-sarkaal oo katirsanaa xarakada Al-Shabaab sidoo kalane bishii tag-tayne ay dileen 25-35-sarkaal oo katirsan Ciidamada Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here